Tusaalooyin faragelin shisheeye oo saameyn ku yeeshay ururrada bulshada Examples of foreign interference impacting community organisations
Tusaalooyin faragelin shisheeye oo saameyn ku yeeshay ururrada bulshada
Ururrada bulshadu waxay door muhiim ah ka ciyaaraan taageeridda iyo horumarinta bulshada, saameynta go'aan qaadashada, iyo isku xirka kooxo kala duwan.
Shabakadaha ballaaran iyo xiriirrada lagu kalsoon yahay ee ururrada bulshada ayaa ka dhigaya door muhiim ah hoggaaminta iyo ka qaybgalka bulshada.
Faragelin shisheeye oo urur bulsho lagu bartilmaameedsado iyadoo la adeegsanayo falal qarsoon, qasab ah, khiyaano ah ama musuqmaasuq ku salaysan waxay wiiqi kartaa madaxbannaanida ururka, waxayna dhaawici kartaa kalsoonida bulshada iyo isku duubnida bulshada.
Waxay sidoo kale khatar gelin kartaa badbaadada, amniga, xorriyadda hadalka iyo xorriyadda isu imaatinka ee ururka iyo bulshada inteeda kale.
Wax badan ka baro sida dawladaha shisheeye ee ku kaca faragelinta shisheeye ay u bartilmaameedsan karaan ururrada bulshada ee New Zealand iyo sida aad uga hortagi karto.
Hoos waxaa ku qoran saddex tusaale oo muujinaya sida faragelinta shisheeye ay u saameyn karto ururrada bulshada. Tusaalooyinkan, “dawlad shisheeye” waxaa loola jeedaa waddan kasta oo aan ahayn New Zealand.
Tusaalooyinkan waxay ku salaysan yihiin xog ay hay’adda Multicultural New Zealand - Isutagga Golaha Dhaqammada Kala Duwan ee New Zealand la wadaagtay Wasaaradda Bulshooyinka Qowmiyadeed. Waxaan uga mahadcelinaynaa ka qaybqaadashadooda qiimaha leh ee agabkan iyo agabka ‘Ka ilaalinta ururkaaga bulsho faragelinta shisheeye’.
Tusaalooyinka hoose waa xaalado mala-awaal ah oo muujinaya falal laga yaabo in loo tixgeliyo faragelin shisheeye sida uu dhigayo Xeerka Dambiyada ee 1961.
Kani waa macluumaad guud. Waxaa loogu talagalay oo keliya fahamkaaga mana aha talo sharci. Wixii talo sharci oo gaar ah, la hadal xirfadle sharci oo aqoon u leh arrimahaas.